August 9, 2017 | Posted by admin

Maanta waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Barnaamij ku saabsan Daah-furka Maaliyada dadwaynaha ee laga qaado shacabka Muqdisho ee Loo yaqaano Canshuurta,

Munaasabada waxaa ka qayb-galay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit cabdi Maxamed Raysul Wasaare Ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo xubna kale oo Ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Mahadi Maxamed Guuleed Qadar,Ra’isul Wasaara Ku xigeenka Dalka oo Halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay arintaan Mid Muhiima ah oo Wax looga qaban karo, lacagaha Canshuurta ah ee laga qaado shacabka soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxmed ayaa dhankiisa sheegay in Maamulka Gobalka banaadir uu qorsheenayo in Xad loo helo Canshuurta Shacabka laga qaado iyo sidii dadka wax loogu qaban lahaa shacabka soomaaliyeed.

Waa Markii ugu Horaysay ee Soomaaliya laga Hir geliyo Barnaamij Ku saabsan dhaqaalaha canshuurta ah ee laga qaado shacabka muqdisho.

DGyA1V0WsAAwCVq

 

COMMENTS