November 12, 2012 | Posted by admin

Maamulka Gobolka Banaadir oo maalmahan magaalada Muqdisho ka waday howlgallo lagu burburinayey dhismooyinka sida sharci darada ah looga dhistay dhulka dowladda ayaa sheegay in howlgalladaasi laga hirgelindoono guud ahaanba degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cabdi-kaafi Hilowle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo lagu banneeynayo dhismaayaasha dowladda, iyadoo dhismooyin badan laga saarayo dadka sida sharcidarrada ah u deegaameystay.

‘’R/wasaaraha iyo xukuumaddiisaba waxaan leennahay ku shaqeeya xarumihii dowladda dadkii degganaa waan ka saaranay, shalay waxaan banneeynay oo aan ka saarnay dadkii degganaa dhul ay laheyd dowladda oo ku yaalla degmada C/casiis’’ ayuu yiri C/kaafi Hilowle xoghayaha maamulka gobolka Banaadir.

Cabdi-kaafi ayaa ugu baaqay dadka wali deggan dhismayaasha dowoladda in ay ka guuraan inta aan laga saarin, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la banneeeyo xarumihii ay dowladdu ku shaqeynlaheyd.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii maamulka gobolka Banaadir uu banneeyay oo uu ka saaray dadkii deganaa dhul ay dowladdu laheyd oo ku yaala degmada C/casiis ee G/Banaadir.

COMMENTS