February 12, 2013 | Posted by admin

Muqdisho- Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu suganyahay 95% boqolkiiba Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa tilmaamay in amniga caasimada Muqdisho uu yahay mid la isku halayn karo isagoona sheegay  in xiligan ay Caasimada ka socdaan dib u dhis guud oo lagu samaynayo Laamiyada iyo guryaha magaalada oo ku waxyeeloobay dagaaladii wajiyada badnaa ee dalku soo maray.

C/Kaafi Hilowle ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay magaalada Muqdisho ka shaqo bilaabi doonan (1200) Kun & Labo boqol oo askari  kuwaas oo uu sheegay in la geyn doono 54-ta Isgoys ee ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si ay u adkeeyaan amniga magaalada,isagoona tilmaamay in amniga ka jira Muqdsho uusan iska imaan balse lagu bixiyey juhdi badan si loosoo gaaro halka maanta la taaganyahay.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan iney dalkooda kusoo laabtaan isla markaane ay dhistaan guryihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho,C/kaafi ayaaa farta ku fiiqay in dadkii guryaha laga haysaty loo celiyey 95% wuxuuna tibaaxay in 5 ta dhiman ay iyagu iskood uga maqanyihiin magaalada Muqdisho hadii ay yimaadaane gacanta loo galin doono.

C/kaafi Hilowle ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed ee ay hantidoodu ku maqantahay magaalada Muqdisho ama laga haysto guryahooda iney lasoo xiriiraan maamulka gobolka Banaadir si gacanta looga saaro hantidooda,wuxuuna  ballan qaaday in qofkii la yimaada cadeynta lahaanshaha gurigiisa aysan cidne awood u lahayn iney xoog ku sii haysato, C/kaafi ayaa intaa ku daray in qofka uu ka lumay Dukumiintigii gurigaasa uu soo doonan karo hantidiisa maadaama la heli karo deris marqaati ah.

COMMENTS