January 10, 2017 | Posted by admin

gal

Ciidanka Galmudug oo kaashanaya kuwa NISA ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabtay nin waday Gaari Gacan lagu waday waxyaabaha Qarxa,

Gaarigaasi waxaa lagu qabtay ninkii waday kaasi oo lagu Hayo Saldhiga Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug iyadoo lagu Wado Baaritaan xoogan,

Saraakiil ka tirsan Galmudug oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Warbaahinta loo soo bandhigayo Ninkaasi iyo qaraxyada lagu qabtay,

Dhanka kale saraakiisha ayaa sheegay in Baaritaan lagu wado isla markana Baaritaanka kadib warbaahinta loo soo bandhigidoono ninkaasi.

Maanta ayaa la filayaa in saxaafada loo soo bandhigo Ninkaasi shalay lagu qabtay Magaalada Galkacayo ee Gobalka Mudug.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS