October 25, 2016 | Posted by admin

Maamulka Galmudug ayaa si kulul maanta uga hadashay hadalo shalay ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan In dowlada soomaaliya ay Masuul ka tahay Colaada Galkacayo.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaasho Cabdi Carabey ayaa ka Hadlay Hadalka Kasoo yeeray Madaxwaynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu sheegay inay beesha Caalamka iyo Dowlada Fedraalka ay u cadeynayaan inay Puntland ay wado Dagaalka, kadib markii sida uu sheegay ay diiday inay Fuliso Heshiisyadii horay looga gaaray Colaada Gaalkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa uu intaa ku daray in wixii Cawaaqib xumo ah oo ka yimaada Dagaaladaas Puntland ayaa qaadi doonta.

Colaada galkacayo ayaa waxaa maal mahaan dambe soo badanayay cambaareebta loo jeedinayo maamulada Puntland iyo galmudug waxaana dagaalkani uu soconaya mudo dhan 3 isbuuc.

Galkacayo waxaa ku barakacay kumanaan Ruux oo shacab ah kuwaas oo la sheegay in ay isugu jiraan Dad horay magaalada ugu soo barakacay iyo kuwa halkaasi ku sugnaa oo barakacayaal ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.

Labada Maamul ayaa isku haysta Gacan ku haynta Magaalada galkacay ee Gobalka Mudug.

Maxamed daacad Muqdisho,

COMMENTS