February 5, 2013 | Posted by admin


Gaalkacyo: Maamulka Galmudug ayaa shalay dhistay gole deegaan kadib muddo lix sano ah oo maamulkaas ka jiray qeybo ka mid ah gobolka Mudug.
Xubnaha golaha deegaanka Galmudug ayaa laga soo dhex xulay 4-ta xaafadood ee magaalada Gaalkacyo uu ka degantahay maamulka Galmudug, iyadoo xaafad kasta ay kasoo galeen 9 xubnood.

Isla shalay ayaa xubnaha golaha deegaanka oo gaaraya 36 xubnoo gudoomiye KMG ah u doorteen haweeney lagu magacaabo Xaliimo Nero oo noqotay qofka ugu da’da weyn xubnaha golahaaas.

Golaha cusub ee deegaanka Galmudug ayaa dooran doona gudoomiye rasmi ah oo ay yeeshaan, sidoo kale iyaga ayaa dooran doona duqa magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug.

Wasiirka ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Galmudug Max’ed Mahad Gaaraxo oo la hadlay golaga cusub ee deegaanka ayaa sheegay in golaha deegaanka la saaray iyaguna isi saareen mas’uuliyad cusub oo lagula xisaabtami doono.

Waa markii ugu horreysay ee maamulka Galmudug dhisto gole degaan, iyadoo la filayo in taasi yareyso khilaafaad horay usoo ragaadiyey maamulkaas.

COMMENTS