October 5, 2017 | Posted by admin

Maamulka Degmada yaaqshiid ayaa Amar Deg Deg ah ku soo rogay Suuqa labaad ee Ugu wayn Soomaaliya ee suuqbacaad oo la sheegay in Mudo 10 Maalmood ah uusan shaqeen karin suuqa.

Suuq-bacaad ayaa ah Suuqa labaad ee ugu wayn soomaaliya marka laga reebo suuqa Bakaaraha oo suuqa Kowaada.

Amarkaan ka soo baxay Maamulka degmada yaaqshiid ayaa lagu sheegay in Dhowr jeer dilal qorshaysan ay ka dhacaan Suuqa,islamarkaana aysan jirin cid ku Guulaysatay in Dadkaasi gacanta lagu soo dhigo.

Waxaa amar lagu siiyay Ganacsatada in mudo dhan 10 maalmood aysan furi karin Goobahooda ganacsiga, sababa la xariira Amniga Suuqa oo maamulku ku sheegay in uusan wanaagsaneen.

Ganacsatada ayaa walaac ka muujiyay amarka Maamulka Degmada yaaqshiid waxayna ku an dacoodeen in uusan quseen Amniga suuqa ganacsatada, laakiin Suuqa iyo degmada intaba ay lee dahay Maamulka.

Si kastaba ha ahaatee lama oga meesha uu ku dambeyn doono amarka Maamulka degmada yaaqshiid oo umuuqda mid aan soconeen marka la fiiriyo amniga Degmada uu xil ka saaran yahay Gudoomiyaha degmada Laakiin Hada dusha laga saaray ganacsatada.

COMMENTS