July 20, 2017 | Posted by admin

Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Milateriga dalka ayaa la wareegay Xarumihii ay ku shaqeenayeen Maamulka Degmada Mahaday.

Xubnihii Maamulka Degmada Mahaday ayaa isaga soobaxay Degmada, Waxayna soo aadeen dhanka jowhar.

Ciidamo Ka tirsan Guutada Kowaad  ee Milatariga dalka ayaa soo kala Ceeriyay Xubnihii Degmada Mahaday ee Gobalka Sh/dhaxe.

Wararka aan Helnay ayaa sheegaya in la isku khilaafay Lacagaha laga qaado dadka shacabka ah oo Canshuurta laga qaado.

Xubnaha Maamulka ayaa soo gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, Waxayna Maamulku  ku tilmaameen Mid ku saabsan Awood qabiil.

COMMENTS