July 17, 2017 | Posted by admin

Maamulka Degmada Balcad ayaa Ka hadlay Dagaal beeleed Ka soconaya qaybo ka mid ah Sh/dhaxe iyo Sh/Hoose, Kaas oo u dhaxeeya Beela walaala ah.

Gudoomiyaha Degmada Balcad ayaa ugu Baaqay Maamulka Hirshabeelle iyo Konfur Galbeed ee soomaaliya in looga Baahan yahay in ay Soo kala dhax-galaan dhinacyada ku dagaalamaya inta udhaxaysa Afgooye iyo Balcad.

Dagaalkaan ayaa udhaxeeyay maleeshiyo beeleed Halkaasi wada dega, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaan 5 ruux.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dagaalkaan uu bilaawday xili ay soconaysa waa waan dadkaasi la kala dhax dhigayay.

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected]

COMMENTS