January 19, 2017 | Posted by admin

Radio-Hiiraanweyn-150x150

Maamulka Radio Hiiraan wayn ayaa shaaciyay in weriye ka Tiran idaacadaasi ay xalay Hooygiisa kala baxeen ciidamada amaanka ee Buula burde.

Weriye Maxamed Amiin Cabdi casiis ayaa la sheegayaa in xiligaan ciidamda ay gacanta ku hayaan.

Agaasimaha Radio Hiiraanwayn Mudane Makaraan ayaa sheegay in aysan ogeen sababta loo xiray weriyahaas iyo eedeemaha loo heesto.

Shalay galab ayaa la sheegay in Weriyaha la xiray uu Barnaamij ka qabtay idaacada in kastoo aan looga hadlin warar quseeya Maamulka.

Laamaha amaanka Buula burde ayaa ku wargeliyay maamulka idaacadaasi in ay Baaritaano ku hayaan ka dibna ay soo bandhigi doonaan.

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected]

COMMENTS