April 16, 2017 | Posted by admin

Xubno ka socda Ururka Ahlusunna ee gobolada
dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in ay maanta soo
gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb
galaan Wadahadalada Ahlusunna iyo sidoo kale
dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya
Madaxweynaha maamulkaasi Sheekh Maxamed
Shaakir .
Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa lagu waddaa in ay
ka qeyb qaataan Wadahadalada oo maanta ka
furmaya Muqdisho.
Ururka Ahlusunna ayaa maalimihii lasoo dhaafay
ka biyadiidana wadahadalada laakiin hadda
waxaa muuqata in ay qaateen ka qeyb galka
wadahadalada.

COMMENTS