January 10, 2013 | Posted by admin

Maamulada Galmudug iyo Puntland ee ka kala arimiya waqooyiga iyo koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa wada qorshayaal ay ku horumarinayaan ammaanka deeganadaasi.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay in iminka socdo qorshayaasha labada maamul ay isaga kaashanayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha taariiqda ah ay soo celinayaan ayna iska kaashaanayaan horumarka Gobalka dhisida wadooyinka iyo in ammaanka hal meel looga soo wada jeesto.

Labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa waxa ay ka arimiyaan koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ku kala sugan yihiin.

Gaalkacyo waxaa marmarka qaarkood ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka iyadoo kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ay dilal ka geestaan Gobalkaasi.

COMMENTS