December 3, 2017 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho Maanta Waxaa Lagu qabtay Munaasabad Lagu xusayay maalinta Naafada aduunka.

Munaasabadaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa Ka qayb galay Madax Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Qaar ka mid ah Dadka Naafada ah, iyo ururo Caalami ah.

Munaasabadaan Waxaa Ka qayb galay Gudoomiyaha Waaberi , iyo Maamulka Schoolka Albasiir ee Degmada Waaberi.

Qaar Ka mid ah Dadkii Naafada ahaa ee Halkaasi ka soo qayb galay ayaa Soo Jeediyay in aysan Qabin Xuquuqda Dalka iyo Garab istaaga, Dadka Naafada ah.

Gudoomiyaha Degmada Waaberi Rowdo oo Halkaasi Ka Hadashay ayaa Shegatay in ay Garab istaagayso Naafada iyo Schoolka Albasiir ee Degmada Waaberi ku yaala.

Sanad Kasta 03-da December,  Waxaa la xusaa Maalinta Naafada Aduunka.

COMMENTS