December 20, 2014 | Posted by admin

Astaanta-booliska-254x300
dowladda, taliyeyaasha booliska, wakiillada beesha caalamka, fannaaniin iyo qeybaha bulshada.
Taliyaha hoggaanka saadka ee ciidanka booliska Soomaaliya, Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka booliska uu yahay hay’adda keliya ee ka badbaadday burburkii ka dhacay dalka, isagoo xaqiijiyay in la hayo dukumiintiyadii lagu diiwaangeliyay askarigii ugu horreeyay ee booliska Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo ku weyn ummadda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka booliska.
Janeraal Bariise ayaa tilmaamay in ciidanka booliska ay qeyb libaax ka qaateen halgankii gobannimo-doonka Soomaaliya, wuxuu xusay inay soo mareen heerar kala duwan, balse aanay ka qeyb qaadan dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Taliyaha ayaa bogaadiyay kaalinta uu booliska ka qaatay dib-u-soo celinta amaanka dalka.

COMMENTS