February 8, 2013 | Posted by admin

Xigasho Harawo: Laga bilaabo 1993 ilaa 1997 ,wakhtigaasoo Soomaaliland samaysatay dawladii ugu horreysay isla markaana xukunkii dalka laga wareejiyey xoogaggii SNM ,ayaa cid kastaa xusuusan kartaa sidii loo qaddarin jiray cid kastoo sheegata SNM ,halgan ,xoreyn ,iyo mujaahidiin ,iyadoo wakhtigaasina lagu tilmaami karo maalmihii ama sabankii SNM magaceeda lagu noolaa ,nin kasta oo ka tirsanina xaqna ku sheegta maamulkii waagaasi uu ka heli jiray maamulkii ka horreeyey 1997dii wakhtigaasoo ahaa dalcaddii SNM ka bixi kari weyday dibna ugusoo laabatay taxadka ama meeshii ugu hooseysay oo ay maanta joogaan xoogaggii ,saraakiishii iyo mujaahidiintii SNM .

Bilowga xukuumaddii labaad ee marxuum Cigaal iyo Daahir rayaale ,ayaa waxa sidoo kale bilowday wakhti magaca SNM ciddii sheegata laga fogaanayey ,loona haystay in SNM yihiin kuwa waalan ee suuqyada daadsan ,cidda dhaqanxumo la timaadda ,cidda naafada ah Tuugada ,mooryaanta,mujirimiin iyo dad kale oo wakhtigii intaa ka horreeyey looga danbayn jiray maamulka dalka . Wakhtigaa an soo sheegnay wixii ka dambeeyey waxa xoogaggii SNM iyo hogaamiyaashoodiiba ku milmeen dadkii caadiga ahaa iyo siyaasiyiin weligoodba kasoo horjeeday SNM ,isla markaana diidanaa qarannimada soomaaliland iyo waxay dabada ku wadatayba ,aakhirataankiina sarkaal kasta iyo mujaahid kasta oo SNM kusoo caano maalay oo xaqiisi siyaasadda ku waayey magacaasi ,musharrax kasta oo raggaa ka mid ahaa isuna soo taaga mansabyada dalka ugu sarreeyana anu wax cod ka helin dadkii uu aaminsanaa inuu ka xoreeyey talis dadkiisu ay u arkayeen cadowgooda koowaad

Labaatan sano ka badan oo soomaaliland ku faanaysay qarannimo ,ammaan ,xasilooni ,iyo dimquraadiya,dhinaca kalena dalkii la odhan jiray soomaaliya ku jirtay dagaallo ,qaraxyo ammandarro ,macaluul ,abaaro,budhcadbadeed iyo qaxooyinnimo ayaad mooddaa in haatan reer soomaaliland ku baraarugeen tabaha siyaasadeed ee caalamku la maagganaa ilaa wakhtigii ay goonida iskaga taagtay soomaaliya ,waxanad moodeysay ama ay tahayba in dalalka reer galbeedku soomaaliland la sugayeen wakhtiga soomaaliya daweladi ka hanaqaaddo oo ay maanta ugu dhawdahay maadaama reer muqdisho go’aansadeen inay dawlad noqdaan ,xoogaggii ku dhex dagaalamyeyna loosoo jiheeyey ama loosoo eryeday woqooyiga soomaaliya siday sheegeen . Dadweynaha reer soomaaliland ayaad sidoo kale moodaysay in aqoonsigii ay ka sugayeen caalamku iman doono mar hadii ay haystaan dawladnimo caalamkuna taakuleyn badan siinayey ilaa wakhtigaa ,hoosna aanay u eegin waxa kusoo socday labaatankaa sannadood .

Tan iyo markii meesha laga saarayey xoogaggii SNM ,ayaanay cidi ogeyn sida madaxweynayaashii dalkan soo maray iyo kuwa haatanba qaylo dheer iyo mid gaabanba caalamka ugu sheegeyaan horumarkooda ,iyo dimuqraadiyadda balse caalamku dhinaca kale isku dayyay sidii soomaaliland loogu khasbi lahaa inay la midowdo soomaaliya ,waxana bilowgii aasaaska soomaaliland lagu khasbay inay baabiiyaan xoogagga SNM ,wayna dhacday ,halka maantana laga yaabo in hogaanka soomaaliland lagu khasbayo inay kabaxaan dawladnimada aya sheganayaan ,lana midoobaan Soomaaliya ,taasoo daliil u ah sida maanta soomaaliland loo tirtiray amniga iyo horumarka ay sheeganaysay ,dalkii ay ka filayeen aqoonsiguna ugu horreeyo kuwa haatan soomaaliland khasabka kaga dhigaya inay dawlada dhexe ee soomaliya u hogaansamaan.

Laba jeer oo wadaadallo ah oo ka kala dhacay Dubai iyo Uk ,isla markaana la filyo mid kale ka dhaca dalka Uk dhawaanta ayaad mooddaa inay saddexdaa shir ee soomaaliya lala galay durba kala direen soomaaliland dawladnimadeedii ,iyo ddimuqraadiyadda iyo amnigeediiba ,sidaa darteedna waxa soomaaliland u haray yahay uun wax shacbiga iyo dawladda soomaaliland iyo madaxweynaheeduba ku kala tegi doonaan hadii anay arrin kale ka gelin waxa kusoo socda maalmaha ,wiigagga iyo bilaha soo socda .

Waxa iska cad in soomaaliland dawladnimadeedii la mariyey halkii ay SNM tii xoreysay la mariyey ,lamana oga go’aanka shacbiga dalka iyo dawladdoodu ka qaadan doonaan xarkaha lagu xirxiray Ma dibu xoreynbay bilaabi doonaan ,ma muqdisho ayey qabsan doonaan ,mise way isdhiibi doonaan oo SL waxay gali doontaa kaalintii Snm, oo

COMMENTS