December 9, 2012 | Posted by admin

Waxaa laga yaabaa inta badan shacabka Soomaaliyeed inuu ka walwalsan yahay warbixinta ay dhowaan soo saartay hay’ada caalamiga ah ee la yiraah “Transparency international the global coalition against corruption”, hay’addaas oo sheegtay inay Soomaaliya safka ugu horreeye ka gashey liiska Musuq-maasuqa adduunka.

Runtii walwal sidaas u sii weyn iguma hayso magac-xumada iyo ceebta aanan la inkiri kareyn ee ka dhalatay warbixinta hay’adda (TIGCAC), maadaama uu wadanku 22 sano ku dhowaad ku soo jiray fowdo iyo dowlad rasmi ah la’aan, laakiin waxaan aad uga wal wal sanahay, inaysan muuqan rejo looga bixi karaayo magac-xumaddaas, afarta (4) sano ee soo socota inta uu jiro Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed ee hadda jira oo 80% lagu soo xuley masuq-maasuq iyo laaluush la siiyey Duubab-xumayaal ($ dollar qaatayaal ah) oo soo xuley baarlamaanka uu hadda dalku leeyahay.

Wal wal-keygu, wuxuu ku saleysan yahay, Baarlamaanku waa hay’ada sharci dejinta dalka iyo dabar-goynta musuq maasuqa, laakiin waxaan is-weydiinayaa sidee bay shaqsiyaad iyaguba musuq maasuq iyo laaluush ku soo galey baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed uga hor-tegi karaayaan masuq maasuqa iyo laaluushka uu dalku caanka ku yahay?.

Ulama jeedo 100% Xildhibaanada baarlamaanka cusub waxay baarlamaanka ku soo galeen musuq maasuuq iyo laaluush, laakiin waxaan dhihi karaayaa in ka yar 30%, ayaa ku soo galay baarlamaanka cusub si sax ah iyo rabitaanka beelahooda, 35% in ka badan waxay ku soo galeen baarlamaanka laaluush iyo musuq masuq, 35% in ka badan waxay ku soo galeen baarlamaanka qaraabanimo-hoosaad kala dhexeeya duubabkii soo xuley baarlamaankaan cusub.

Ugu danbeyntii, su’aashu waxay tahay baarlamaan asaguba ku yimid musuq maasuq iyo laaluush, maka hor-tegidoonaa musuq maasuqa iyo wax is-daba-marinta soo noq-noqota ee lagu eedeeyo dalka?, waa su’aal furan Jaallayaal ???.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
[email protected]
Naadiga lasocodka Arimaha Soomaliya.

COMMENTS
  1. SAKI said:

    Jaale Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
    Wax laga welwelaa ma’ey jirto Baarlamaanka hada jiraa waa uu ka wanaagsan yahay baarlamaanadii hore, hadii alle idmana howshii loo idmadayna waa ey ka soo dhalaali doonaan

    Hadaba jaale Mohamoud Ghedi Aw Hilowle dhowr mar ayaan aqriyay qoraaladaada mar waliba waad dhaliileysaa dowladii timaadaba, sida aan kaaga jeedana waxaad ku jirtaa waqtigii qaatumada, marka waxaan ku leeyahay hadii aadan UMADDA SOOMALIYEED aadan qeyr u sheegeynin iska AAMUS