November 6, 2012 | Posted by admin

M. GHEDI: “Haddii uu jiro xisbi la yiraahdo DAMUL-JADIID waxay u eg tahay jug jug meeshaadii hore joog”

Anigoo ku hadlaaya magaca Naadiga la socodka arrimaha Soomaaliya, waxaan marka hore aad usoo dhoweynayaa is-bedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyo Soomaaliya oo ka baxday dowlad KMG ah ee noqotay dowlad rasmi ah 21tan sano kadib, sidoo kale waxaan u soo dhoweynayaa golaha Wasiirada tirada yar ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Abdi Farah Shir-doon ( Saacid). Intaas ka dib.

Naadiga la socodka arrimaha Sooomaaliya, waxaa ila  habboonaan laheyd in wax laga faa’iideysto waqtigii  dheeraay ee la soo maray oo la sii wado wixii fiican oo  la aaminsan yahay in lagu gaari karaayo  danta dalka,  dadka, diinta iyo dowladnimada, wixii xumeyna laga leexdo,  si aysan arrintu u noqon jug-jug  meeshii 21tan sano kahor joog.

Naadiga  ( LSAS)  iyo dadka inta badan  ka run sheega siyaasada Soomaaliya waxay isku raacsan yihiin  in Madaxweynihii dhowantan xilka ka degey  mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, inuu ahaay Madaxweyne da’yar, diin aqoon ah, hadal dabac-san misana  cod-kar ah, dulqaad badan,  dadaal badan, misana ay u dheereed geesinimo aanan caadi aheyn, iyada oo lagu xusuusto asagoo saqda-dhexe habeenkii booqan jiray jiida hore ee  dagaalka, si uu u dhiirigeliyo Ciidamada  xogga dalka Somaaliyeed iyo  kuwa Amisom.

Wax qabadkiisii  Madaxweynihii hore  Mudane Sheikh Shariif xilligii uu haayey hoggaanka dalka, waxaa loo aqoonsan yahay  inuu dalka gaarsiiyay rajo ah inay Soomaaliya dib ugu soo laabato khariirada adduunka 21-tan sanno ka dib,  sidaas awgeedna uu mudan yahayn in  Mudane Sheikh Shariif  loogu yeero abbihii ifiyey tooshka rajada Soomaaliya ” Father of  the Somalia  restored  hope”.

Ha yeeshee, naadigu wuxuu aaminsan yahay inuu Madaxweynihii hore  Sheikh Shariif uu qaban kari lahay, waxa uu qabtay wax  ka sii badan, haddii uusan hoosta kaga jiri lahayn xisbi la oran jiray ” Alla-Shiikh” oo si dadban hgaaminta dalka ula hayn jiray madaxweynihii hore.

Haddaba Maamulka cusub ee uu hoggaaminaayo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, wuxuu haystaa fursado badan oo qaali ah oo uusan haysan jirin  maamulkii ka horreeyey ee Sheikh Shariif Sh. Ahmed, fursadaha uu haysto maamulkaan cusub waxaa ka mid ah:-

1) Maamulkaan amba dowladdaan oo aan aheyn ku KMG, sidaas awgeed leh awood dowlad madax-bannan.

2) Shacabka Soomaliyeed oo gudaha iyo dibadaba u bislaaday dowladnimo, kana quustay qolo qolo iyo qabiil qabiilkii lagu qasaarey.

3) Wadanka oo intiisa badan ay gacanta ku haayaan ciidamada xogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Amison.

4) Beesha caalamka iyo dowladaha daneeyay arrimaha Soomaaliya oo ay markaan ka muuqato calaamado muujinaaya inay ilaa xad u soo jeesteen wax ka qabadka dhibaatada Soomaaliya.

5) Baarlamaan ka tira yar kii hore oo  tiradiisu aheyd 550 xildhibaan, weliba baarlamaanka cusub waxaa ka dhex muuqda  dhowr xildhibaan oo miisan culus ku leh bulshada Soomaliyeed dhexdeeda, inkastoo 30% wax ka yar lagu soo xuley si xallaal ah, 70%kiina si xaraan ah sida laalush iyo musuq maasuq ” Bribery and corruption” ay fuliyeen dulliyiin duubab-dhaqameedyo dollar qaatayaal ah, iyadoo ay musuq maasuqaas ka faa’iideysteen dambiilayaal xasanad doon ah ” immunity seekers”

Si kastaba arrintu ahaatee, dowladaan cusub waxay haysataa fursada aannu kor ku soo xusnay iyo kalsoonida shacabka Somaaliyeed gudaha iyo dibadaba, inkastoo ay yara shaki (Skeptic) gelisay wararka  maalmahaan isa soo taraaya ee sheegaaya in uu madaxweynaha cusub mudane Hassan Sheikh Mohamoud uu hoosta ku haysto xisbi la yiraahdo ” Damul-Jadiid”, balse haddii ay run tahay jiritaanka xisbigaas madaxweynuhuna uu u  hoggaan samo awaamiirta xisbiga la sheegaayo, arrintu waxay noqon doontaa meeshii laga filaayey Cir “Ceeryaamaa ka timid” ayadoo uu filimku ku dhammaan doono jug-jug meeshaadii joog.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Naadiga la socodka arrimaha Soomaliya
Rochester, MN.
[email protected].

COMMENTS