August 22, 2015 | Posted by admin

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday dalka Ciraaq ayaa lagu dilay hogaamiyihii labaad ee Kooxda Khilaafada Islaamka Daacish, waxaana duqeyntan fuliyay masuuliyadeedana sheegtay Dowlada Mareyknaka oo dagaal kula jirta kooxdaasi.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Fadhil Ahmed al-Hayali oo ahaa ku-xgeenka Abuubakr Al-Bagdaadi ay duqeyn diyaaradeed ku dileen isbuucii lasoo dhaafay, waxa ayna sheegeen in hogaamiyahan la dilay uu ahaa mid saameyn badan.

Duqeynta lagu dilay Hogaamiyahan ayaa ka dhacday Magaalada Moosil ee Dalka Ciraaq, waxaana la sheegay kolonyo gaadiid ah uu lasocday Hogaamiyahan in ay heleeshay gantaalo laga soo riday diyaarado dagaal.

War kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay Hogaamiyahan la dilay oo sidoo kale loo yaqaanay Xaaji Muctaaz uu kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa kooxda Daacish , gaar ahaan waxa uu ahaa kuxigeenka Hogaamiyaha kooxdaasi.

Geerida ku timid Hogaamiyahan sare ee katirsanaa Kooda Daacish ayey Dowlada Mareykanku sheegtay in ay saameyn ku yeelaneyso kooda Daacish, mana jiro ilaa hada war ku saabsan geerida hogaamiyahan oo kasoo baxay Kooxda Daacish.

COMMENTS