January 25, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan tacsi ah ugu tegey qasriga boqortooyada Sacuudiga ee magaalada Riyadh, Boqorka cusub Boqor Salman Bin Cabdulcaziiz, isagoo uga tacsiyeynaya geeridii boqorkii hore, Cabdalla Bin Cabdulcaziiz oo shaley la aasey.

Madaxweyne Xasan ayaa boqorka u sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay si aad ah uga xun yihiin geerida boqorkii hore, isla markaana uu ahaa shakhsi ka tegey dhammaan dunida Muslimka, lana tebi doono talooyinkiisa iyo doorkii uu ku lahaa siyaasadda caalamka. “Geerida Boqor Cabdalla si weyn ayay inoo taabatey, waxaa uu ahaa saaxiib, walaal iyo hoggaamiye ay ku tashtaan umadda Soomaaliyeed, Ilaahay ayaan ka baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo idinkuna samir iyo iimaan idin ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa isla goobtaasi ugu tacsiyeeyey madax kale oo sare oo ka tirsan Booqortooyada Sacuudiga, isagoo u sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed murugada geerida Boqor Cabdalla la qeybsanayaan shacabka Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee dalka Sacuudiga u jooga tacsida boqorka geeriyooday, Cabdalla Bin Cabdulcaziiz.boq_3

COMMENTS