November 14, 2017 | Posted by admin

cali maraykan

Cali Cilmi Warsame Cali Maraykan oo ahaa La Taliyihii Madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Gallayr oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Ka hadlay arima Culus oo Ka jira Khaatumo Iyo Soomaaliland.

Cali maraykan oo afka Furtay ayaa ka soo Hor jeestay Heshiiska Labada dhinac ay Gaareen kaas oo Ku aadan in Heshiis uu dhax-maray Khaatumo iyo Maamulka Soomaaliland.

” Waxa uu sheegay in uu iska Casilay Xilkii uu ka hayaay Khaatumo oo ahaa La taliyaha, Ka dib Markii uu sheegay in uu arkay arima Far badan oo Dan u aheen Shacabka Khaatumo waa sida uu sheegay.

Waxa uuna Timaamay in Lala xisaabtami doono Cali Khaliif, islamarkaana aan Looga Hari dooni Tilaabada iyo Heshiiska uu La Galay Soomaaliland.

” Dhinaca Kale waxuu ka Hadlay Doorashada soomaaliland Waxa uuna sheegay in Deegaanadaas Dadkii Codka ka dhiibtay ay Qalad wayn  Galeen, Laakiin Looga Baahan yahay Shacabka soomaaliyeed iyo Dowlada dalka soomaaliya intaba in aysan Ka qayb Qaadaan Doorashadaas, oo aan Hambalyo Lala wadaagin Ruuxii Ku soo Baxa Doorashada soomaaliland Maadaama ay Yihiin Rag Gooni isku Taagay.

Si kastaba ha ahaatee Hadalkaan ka soo baxay La taliyihii Cali Khaliif ayaa Yimid xili ay Mudooyinkii La soo dhaafay uu Khilaaf xoogan Hareeyay Maamulka Khaatumo.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS