September 15, 2010 | Posted by Duhur

Muqadisho:Duhur-Qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdishu, ayaa maanta cirka isku shareeray kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay sharciyo cusub ku soo rogeen gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeyo Muqdisho.

Mid ka mid ah darawalada gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay oo galabta goor dambe la hadlay Radio Bar-kulan, ayaa sheegay in sharciyada cusub ee la soo saaray ay ku jiraan in gaadiidka dadweynaha aysan qaadi Karin rakaab istaag ku raacaya gaadiidka.

Qiimaha lacagaha lagu raaco gaadiidka Muqdisho oo ahaa 1500sh qofkii ayaa maantay waxaa lagu raacayay 3000sh qofkii

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sidoo kale badalay boosteejooyinka laga raaco gaadiidka taasoo maanta keentay jahwareer badan oo la soo gudboonaaday dadkii raaci jiray gaadiidka.

Maleeshiyaadka maanta suuqa weyn ee Bakaaraha lagu daadiyay, ayaa ganaaxyo kale duwan ku soo rogay gaadiid aan u hoggaansamin goobaha cusub ee loo cayimay, iyadoo darawalada qaar galabta lagala wareegay furayaasha gaadiidkii ay kaxeynayeen.

Amarkaan la dul dhigay gaadiidka dadweynaha ee sababay in cirka uu isku shareero qiimaha lagu raaco gaadiidka, ayaa yimid xilli inta badan dadka Muqdisho ay si weyn ugu soo horjeesteen falalka caburinta ee ay maleeshiyaadka Shabaabka kula dhaqmaan dadweynaha caadiga ah.

COMMENTS