September 4, 2010 | Posted by Duhur
Labo wiil oo Soomaali ah ayaa maanta la keenay maxkamad ku taala Ugaandha. Waxaa lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dadkii abaabulay qaraxyadii ka dhacay Ugaandha.
Waxaa lagu eedeeyay 89 dambi. 3 ka mid ah dambiyada waxay ahaayeen falal argagixiso. 76 dambi oo ah in ay geysteen dil iyo 10 ah isku day dil.
Dadka loo xiray qaraxyadan waxay isugu jiraan Soomaali, Kenyan iyo Ugaandheys. Kenyaatiga waa dad asalkooda uu ka soo jeedo Soomaali. Ninka madaxda u ahaa kooxda wax qarxisay ayaa lagu sheegay in uu yahay Ugaandheys ka tirsan Al Shabaab.
Wuxuu ka soo dagaalamay magaalada Muqdisho 2009-kii. Waxaa la tilmaamay in uu qirtay dambigiisa, wuxuuna ka hadlay qaabka ay isugu soo dabarideen qaraxa iyo sida ay u qarxiyeenba.
COMMENTS

All Posts











