January 12, 2013 | Posted by admin

Wararka ka imanaya degamada jilib ee gobolka  jubada dhexe ayaa waxa ay  shegayaan in halkaasi ururka Al Shabab ay ku dililen 2 nin oo shacab ah kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen  dowlada Somalia

Dadka degaanka oo lahadlay shabelle ayaa waxa ay shegeen in ragaani ay shabaabku dileen ay kala dageen gaari shacab ah oo ay saarnaayeen iyagoona intaasi ku daray in dadka la dilay ay ahaayeen dad kasoo jeeda degmada jilib ee gobolka jubada dhexe

Wax war ah kama soo bixin saraakiisha kooxda shabaab ee jubada hoose oo ku adan dilka ragaani ay ku edeyeen in ay la shaqeynayeen xukumada Somalia  hase ahaate shacabka kunool halkaasi ayaa baqdin ka muujiyay dilka loo gestay 2daasi ruux

Inta badan degaanada xarakada Al Shabaab ay kaga sugan yihin gobolada dalka ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal la gula kaco dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo ay ku eedeeynayaan in ay xiriir la leeyihiin garab yada siyaasad ahaan uga soo horjeeda Xarakada Al Shabaab.

COMMENTS