December 4, 2016 | Posted by admin

Doorashada aqalka Hoose ee Muqdisho ka socota waxaa maanta lagu doortay Jaylaani Nuur iikar oo ka mid ahaa xildhibaanada soo socda.

Maanta Magaalada Muqdisho  waxaa ka dhacday Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ah,waxaana  Xubnaha ku soo baxay Doorashada ka mid ahaa Jeylaani Nuur iikar  oo horay u ahaa Guddoomiye Kuxigeenkii Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada  Kuraasta Beelaha Banaadir ayaa hadda si Habsami leh uga socota Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana lagu doortay sadax kuri oo ka mid ah kuraasta ay leeyihiin Beelaha Banaadiriga ah.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS