October 20, 2016 | Posted by admin

Madaxweynihii Hore ee dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku guulaystay xubinimadda Aqalka Sare ee barlamaanka Federaalka soomaaliya, Waxaana uu ku guulaystay Cabdi Madi Abshir Cismaan.

C/raxmaan Faroole ayaa helay 59 Cod, halka musharixii la tartamayay uu helay 5 Cod kaliya, waxaana xumaaday cod kaliya, iyadoo hal xildhibaana uu ka maqnaa codaynta maanta.

 Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay natiijadda Cod bixinta, wuxuuna sheegay in C/raxmaan Faroole uu ku guulaystay kursiga Aqalka Sar ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Cod bixintu waxay u dhacday si sax ah, Waxaana ku guulaystay C/raxmaan Faroole, Waana ansaxa” ayuu yiri Siciid Jaamac Qorsheel.

C/raxmaan Faroole oo muddo shan sanno ahaa madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadda 2016ka.

COMMENTS