December 4, 2016 | Posted by admin

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa maanta lagu doortay Mid ka mid ah Kuraasta aqalka Hoose.

Doorashada aqalka Hoose ee jowhar waxaa ku guulaystay Eng. C/qaadir Carabow oo ah nin dhalinyaro ah waxa uuna helay Codad dhan 31 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Maxamed Axmed Beerey uu helay 20 cod,

Musharaxa laga Guulaystay ayaa waxaa la sheegay in uu lacago fara badani ku bixiyay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Yusuf xuseen Jimcaale.

Ugu Dambayn Eng. C/qaadir Carabow ayaa ku guulaytay kursiga beeshiisa waxa uuna ka soo jeedaa beesha Daa’uud.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS