August 4, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Nairobi- Madaxda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee saxiixdey khariirada Nabada, Madax ka socotey USA iyo weliba Qaramada Midoobey ayaa maanta kulan kulaa Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, kaasi oo goor dhoweyd soo dhamaadey.

Xooghayaha wasaarada arimaha debeda ee Maraykanka Mss, Hillery Clinton ayaa kulankaasi waxaa ay ka aheyd qeyb weyn iyadoo la kulantey Madaxda Dowlada oo kala hadashashey arimo dhowr ah oo ay ku jirto Marxalada taagan.

Kadib wada hadal iyo weliba arimo dhowr ah oo laga arinsadey kadib Mss, Clinton ayaa si wacan u taageertey qorshaha xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ee ahaa horumarinta iyo ka bixista wakhtiga KMG ah, iyadoo intaasi raacisey in ay Soomaaliya guuleysatey.

” USA waxay la dhacdey qaabka loo socod siiyey khariirada nabada iyo weliba ka sal keenida wakhtiga KMG ah, hadda waxaan diyaar u nahey in aan taageerno doorashada ka dhaceysa dalka 20 Agoust, waa wax muhiim ah in Somalia cagaheeda ku istaagto” ayey tiri Mss, Clinton

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh shariif sheikh Axmed ayaa kulanku markii uu soo dhamaadey isna waxaa uu la hadley warbaahinta waxaana uu sheegey in kulankaasi uu ahaa mid xasaasi ah oo uu Maraykanku ku doonayey in uu taageero ugu muujiyo Soomaaliya

Waxaa uu beeniyey Madaxweynaha dalka Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed in ay jireen in ay Hillery Clinton kula talineysey in ay Madaxda Dowlada iska ilaaliyaan in ay isa soo sharaxaan isagoo tilmaamey in ay taasi tahay mid aan marnaba dhici karin isla markaasna aysan waxba ka jirin.

Dhinaca kale, kooxda saxiixdey khariirada Nabada oo ay qeyb ka yihiin Puntland, Dowlada KMG ah, iyo Ehellusuna iyo weliba Galmudug ayaa iyana shirsan kuwaasi oo ka arinsanaya wakhtiga uu ku egyahay xiliga soo xulida Baarlamanka taasi oo ay dhowaan ku dhawaaqi doonano

Hoos ka daawo Sawirro

COMMENTS