August 1, 2014 | Posted by admin

Kulan lagu taageerayay heshiis arbacadii la soo dhaafay lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed, masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo dadweyne kale.
Sheikh Muxiyaddiin Sheekh Yuusuf Barre oo ka mid ah culmada Galmudug oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay taageersan yihiin heshiiskaas, uuna furan yahay wada hadal hoose, haddii ay jirto cid saluugsan heshiiska.
Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu sunnada gobollada dhexe ayaa ka hor yimid heshiiska maamul mideysan loogu sameynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

COMMENTS