January 28, 2013 | Posted by admin

Kulan looga hadlayay sida dhalinyarada ay fursado shaqo uga heli karaan Wasaaradaha dowladda oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan xukuumada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururada bulshada rayidka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYAO ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta degmada Yaaqshiid, iyadoo mas’uuliyiinta ka qeyb gashay ay khudbado ka jeediyeen.

Ilaa 300-dhalinyaro oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa intii uu kulanka socday su’aalo weydiiyay mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulanka, kaasoo ku saabsanaa sida dhalinyarada Soomaaliyed ee waxbaratay ay qeyb uga noqon lahaayeen hey’adaha dowladda sida Ciidamada qalabka sida iyo xafiisyada dowladda.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Jurus oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhalinyarada loo abuuro xirfado shaqo, isla markaana ay qeyb ka noqdaan xafiisyada hey’adaha dowladda, waxaana uu u mahadceliyay SYAO sida ay ugu heelan tahay wax u qabashada dhalinyarada Soomaaliya, isagoo cadeeyay in aan la lumin fursada dhalinyarada ay heystaan.

Maxamed Ibrahim Cali (Cajiib) Gudoomiyaha Ururka SYAO oo ka hadlay kulanka ayaa dhamaan ka qeyb galayaasha uga mahadceliyay sidi ay u ajiibeen wicitaankii uu ugu yeeray kulankan, isagoo dhalinyarada Soomaaliyeedna ugu baaqay inay la yimaadaan karti iyo aqoon si ay dalka u maamulaan maadaama ay yihiin mustaqbalkii dalka iyagana ay dhibaatada ka saari karaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo qudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dhalinyaro, isagoo tilmaamay in dhalinyarada ay mustaqbalka berri, waxaana uu ugu baaqay in aysan qaadan qori.

“Dhalinyarooy idinkaa dalkan iska leh jago waliba oo dalka manta laga haayo waad ka ridan kartaan dadka waa weyn ee haayo cilmi iyo caqli ayaadna uga ridan kartaan ee ma ahn qori”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/shakuur Cali Mire oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in SYAO ay ka wado dalka iyo wadamada deriska howlo culus oo laga sugayay dowladda, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan.

C/raxmaan dheere Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaandhaandhiga Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in wasaarada ay u baahan tahay dhalinyaro wax bartay oo ka mid noqda ciidamada Xooga dalka si fikir nadiif ah looga helo dhalinyaradaas.

Sidoo kale Wasiir kuxigeena wasaarada adeega bulshada oo hadal dheer ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in muhiim tahay in dhalinyarada wax bartay ay xilal ka qabtaan jagooyinka dalka.

Fanaanka Farxaan Xidig oo isna kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay dhalinyarada in aan loo adeegsan bur burinta dalka, isagoo taa bedelkeed u jeediyay inay ka qeyb qaataan dhismaha dalka.

Kulanka oo ahaa noociisa kii u horeeyay sanadkan ee ay soo qaban qaabiso SYAO , kaasoo looga gol leeyahay in dhalinta la baro deriseynta lagana wacyigaliyo ka qeyb qaadashada dagaalada iyo in kuwa iskuulada ka baxay loo helo fursado si aysan ugu mashquulin waqtigooda dagaalada iyo burburka dalka.

By Ahmed Muse Gure
Mogadishu – Somalia

COMMENTS