December 13, 2012 | Posted by admin

Jowhar. (Duhur):-Kulan sedex geesood ah oo looga hadlayay ammaanka magaalada Jowhar ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay Xarunta Dalxiiska, kaasoo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada dowladda, Maamulka Shabellaha Dhexe, iyo qeybaha bulshada.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii qeybaha bulshada iyo Mas’uuliyiinta gobolka ay wadashaqeyn u yeelan lahaayeen, isla markaana ay si wadajir ah uga qeyb qaadan lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida magaalada iyo Gobolka.

Taliyaha Gaaska koowaad ee Ciidamada xooga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay inay balan qaadeen bulshada Jowhar in la dhaqan geliyo qodobada ka soo baxay, isla markaana dadka reer Jowhar ay diyaar u yihiin inay nabad iyo degenaansho ku noolaadaan.

“Bulshada waxaan uga baahanahay garab, waa inay farta noogu fiiqaan kooxaha ku dhuumaaleysanaya gudaha Jowhar, si aysan waxyeelo ugu geysan shacabka, waxaana ku rajo weynahay in bulshada ay is fahan iyo xiriir dhow u dhex mari lahaa” ayuu yiri Jen. Caanood.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa axadii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta magaalada Jowhar, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada ay ka socdeen howlgalo amaanka dib loogu soo celinayo, inkastoo ay qaraxyo isugu jiray bambaano iyo miinooyin lagu aasay dhulka ka dhaceen magaalada Jowhar, balse waxyeeladoodana ay ahayd mid xadidan.

Abdikarim Yusuf
NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

COMMENTS