February 6, 2013 | Posted by admin

Saraakiil Iyo Diblumaasiyiin Caalami ah ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Mareekanka ay taageereyso in Soomaaliya laga qaado Xayiraaddda Hubka ee Saaran.

Saraakiishani oo Magacyadooda aan La shaacin ayaa waxa ay tilmaameen in Kuamada ugu soo horeeyo ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay looga hadli doono Xayiraadda hubka ee Saaran Soomaaliya.

Sarkaal Mareekan ah ayaa Tilmaamay in Mareekanku uu Taageerayo Codsiga dowladda Soomaaliya Wadamada Gobolka iyo Midowga Afrika ee Ku aadan in laga qaado Soomaaliya Xayiraadda Hubka ee Saaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa in badan ku cel celisay in laga qaado Xayiraadda hubka ee Saaran dalka si dowladda ay ugu taag hesho Xaqiijinta ammaanka dalka.

COMMENTS