February 28, 2015 | Posted by admin

Bosaaso- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bosaso ayaa sheegaya in Caawa si lama filaan ah loo weeraray hooyiga u daganyahay Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan.
Kooxo hubaysan oo aan weli la sheegin Cida ay ka tirsan yihiin ayaa weerarkaas fashalmay qaaday
Warka ayaa intaa raaciyey in ilaaladi Gudoomiyaha ee keeb la yuururka ahayd ay iska caabiyeen weerarka uga yimid caada-qaatayaasha .. kooxaha Hubaysan waxana la sheegay inu geeriyooday mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha, mid kalana ku dhawacmay isla markana ay goobta isaga baxsadeen kooxdi weerarka soo qaaday.
Wararka qaar aya tilmamaya in Gudoomiyaha uu wax yar ka hor weerarka uu ka baxay Guriga oo uu san joogin xiligii la soo weeraray Dhismihiisa.

COMMENTS