October 31, 2014 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Ku simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cusman Cumar Wehliye (Gas-gas), kadib markii uu galabta xanuun deg deg ah uu u geeriyooday Taliyihii hore Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.
Jen-Gas-gas

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in General Gas-gas loo magaacabay inuu sii hayo xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Sareeye Guuto Cusmaan Cumar Wehliye Gas-gas u magacaabay inuu sii haayo xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ah xil muhiim ah oo u baahan in la buuxiyay howshii baaxada laheyd ee uu hayay Taliyihii hore”ayuu yiri Khaliif Ereg.

General Gas-gas ayaa horay u ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyadoo uu ka mid ahaa saraakiisha muddo badan ku soo jiray howlaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

COMMENTS
  1. I simply want to mention I am just newbie to blogging and absolutely loved this blog. Almost certainly I’m likely to bookmark your blog . You surely have fabulous articles. With thanks for sharing with us your blog site.