January 10, 2013 | Posted by admin

Ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo ka tirsan kooxaha burcad badeedda Soomaalida oo ay wehliyaan horjoogayaashoodii ayaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb kaga dhawaaqay inay ka tanaasuleen falalka burcadbadeednimada xilli ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu madaxwaynuhu ka mid yahay.

Munaasabadda ay dhalinyaradan iyo hogaamiyaashoodu kaga dhawaaqeen inay ka tanaasuleen burcadbadeednimada oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka hadlay xubno ka mid ahaa horjoogayaasha, iyagoo sheegay inaysan cidna ku qasbin tanaasulka ay maanta sameeyeen.

C/llahi Cabdi Gaadayar oo ka mid ahaa horjoogayaasha burcad badeedda ayaa sheegay inay ka tanaasuleen falalkii ay ku jireen, hubkoodiina ay ku wareejiyeen maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana uu sheegay in sidaasi si la mid ah loo baahan yahay in wadamada ay xeebaha Soomaaliya ka joogaan ay ka tanaasulaan gurashada khayraadka Badda Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdi Xasan oo ku magac dheer (Afwayne) oo isagu sheegay inuu goor hore ka baxay burcadbadeeda ayaa madasha ka sheegay inay muddo ka shaqanayeen soo hanuuninta dhalinyaradan iyagoo kaashanaya maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka arrintan, isagoo fariin u diray beesha caalamka, kaasi oo ku aadan inay joojiyaan xadgudubyada ay maraakiibtoodu ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Waa tiradii ugu badnad ee ka mid ah burcadbadeeda oo mar qura ka tanaasusha falalkii ay hor ugu jireen ee qafaalashada gaadiidbadeedka, waxaana arrintan ay ka ay ka qayb ka ahayd sharciyo ay soo saareen Baarlamanka Ximan iyo Xeeb horaantii 2012-kii, kuwaasi oo ku wajahnaa la dagaalanka burcadbadeeda.

COMMENTS