March 20, 2017 | Posted by admin

Saxaafada ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada dalka waxaana lagu war geliyay in ay dhacayso ku dhawaaqista golaha wasiirada soomaaliya.
Ka dib waxaa lagu war geliyay inay dib udhacday islamarkaana ay iska laabtaan saxaafada.

Maalinta birit ah ayaa loo sheegay in ay dhacayso ku dhawaqista xubnaha golaha wasiirada waxaana la sheegay in ay dhacayso 10:00 barqanimo.

Lama oga waxyaabaha dib udhigaya magacaabista golah wasiirada in kastoo la sheegayo in madaxwaynaha iyo Raysul wasaaraha ay isku qilaafeen xubnaha qaar.
La soco faah faahintan
Maxamed daacad muqdisho.
[email protected].

COMMENTS