April 1, 2015 | Posted by admin

150331141824_turkey_student_640x360_afp
Wadanka Turkiga ayaa waxaa saameysay koronto la’aan baahsan.
Waxaa hakad galay gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka waaweyn sida Istanbul iyo Ankara, waxaana sidoo kale la weeciyay duulimaadyada diyaaradaha.
Dad ayaa ku xayirmay tareennada korontada ku shaqeeya iyo wiishashka daaro ku yaalla magaalooyin kala duwan.
Koronto la’aanta, ayaa saameysay ganacsiga iyo adeegyada kala bar gobolada dalkaasi Turkiga.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dhammaan waxyaabaha sababi kara in ay korontada go’do, oo ay ka mid yihiin weerarro ay fuliyeen mintidiinta.
Dowladda Turkiga, ayaa sheegtay in cilad weyn ay ku timid fiilooyinka gudbiya korontada.

COMMENTS