Warka ka imaanayo Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weeraro ka geysteen Magaalada Mombasa.
Kooxda weerarka geystay ayaa la sheegayaa inay wateen mooto, waxa ayna Mootada ka dul toogteen afar ruux ku dhawad islamarkaana dhaawac u geystay dad shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.
Saraakiisha Booliska oo ka warbixinaayay weerarka ayaa waxa ay sheegeen in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob dadkaasi ay ku sugnaayeen taasi oo sababtay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca dad kale, sida ay cadeeyen Saraakiisha.
Peter Musyoki, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkayay markii toogashada ay dhaceysay, isagoo sheegay in labo ruux oo wajiyada duubtay ay bastoolado ku dileen dadkaasi.
“Haa waxaa ii muuqday dad saarnaa Mooto oo geysanaayo dilka dad shacab ahaa, sidoo kale waxaa jiray dhalinyaro bastoolado watay oo gaarayo labo ruux oo xirna dhar madow iyo gaduud ahaa oo madaxa kusoo xirtay waxay lugeynayeen waxayna toogasho kula dhaqaaqayeen qof walbaa oo ay arkaan”sidaasi ayuu yiri goob joogaha.
Dhanka kale, Weerarkaasi lagu qaaday Mombassa ayaa waxa uu barbar socdaa weeraro kala duwan oo Alshabaabka Kenya ay ka kala geysteen Deegaano ay ku badnaayen Masiixiyiinta sida Deegaanka Lamu, waxaana xigay weerarkani lagu soo qaaday Mombassa.
Inka badan 55 ruux ayaa labo maalin loogu dilay bishii June, waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku sheegay inay ka dambeeyaan shabakado siyaasadeed oo ka dhisan dalkaasi.