November 13, 2012 | Posted by admin

Kooxo Hubeysan ayaa xalay xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile dil ugu geeystay wiil dhalinyaro ah xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Ninka la dilay  oo lagu magacaabi jiray C/fitaax Faarax ayaa ka mid ahaa Ganacsatada  xaafadda Gubta  ee degmada Dayniile,  waxaana dadka deegaanka oo la soo xiriiray  Radio Muqdisho aya sheegeen inay gurigiisa ugu soo galeen Laba nin oo Bastoolado ku hubeysan kadibna ay madaxa kala dhaceen  ilaa iyo dhowr  xabadood.

Dadka deeganka ayaa intaasi  ku daray in aysan garaneyn sababta keentay dilka ninkan ganacsadaha ahaa koos oo lagu dhex toogtay gurugiisa habeenkii xalay,  inkastoo falalka noocan ah looga bartay malleeshiyaadka Shabaab oo Gaalo u arka cid kasta oo aan iyaga aheyn.

COMMENTS