October 14, 2012 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo Hubeysan ay xalay ku dileen nin Mu’adin ka ahaa masaajid ku yaala xaafada Calanley.

Dilkan ayaa waxaa geystay ragg bastoolado ku hubeysnaa, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayo sida dilkan ku dhacay oo loo saarinayo arrimo badan.

Sida ay sheegayaan wararka dilkan ka dhacay xaafada Calanley ayaa salka loo gelinayaa arrimo qabiil, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.

Ciidamada ku sugan magaalada ayaa howl gal ka wada Xaafadaha Kismaayo, iyadoo aan wali cidna loo soo qaban, hase ahaatee waxaa uu durba dilkan saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

Maamul KMG ah oo dhowaan loo sameeyay magaalada Kismaayo ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto amaan darada magaalada iyo dilalka mararka qaar ka dhaca.

COMMENTS