November 3, 2012 | Posted by admin

Muqdisho:- Taliska Baliiska Soomaaliya ayaa Jimcaha maanta shaaciyay inay soo qabteen kooxihii ka dambeeyay dilkii Muqdisho dhawaan loogu geystay Abwaan Warsame Shire Cawaale, oo dabley hubeysani ay ku toogteen degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Baliiska Soomaaliyeed General Axmed Xasan Maalin oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in howlgalkii khamiistii shalay la sameeyay lagu soo qabtay raggii dilay allah ha u naxariistee Abwaan Warsame Shire.

Taliyaha wuxuu sheegay in baaritaan laga sameeyay degmada Waabari lagu soo qabtay ku dhawaad 50-ruux kuwaasoo qaarkood lala xiriirinayo Xarakada Al-shabaab, waxaana dadka la qabtay ka mid ah raggii dilay Abwaanka sida uu hadalka u dhigay taliye Maalin.

“Waxaanu soo qabanay qayaas ahaan 50-ruux oo Al-shabaab ka nabad diidka ah kamid ah, waaanu baari doonaa ragas si aan u kala saarno qaar waa Al-shabaab kuwa dambiga lagu waayay waan sii deynay laakiin waxaa ku jira ragii dilay Abwaan Warsame” ayuu yiri Taliye Maalin.

General Axmed Xasan Maalin ayaa ballan qaaday in Saxaafadda la horkeeni doono ragaasi kadibna lagu wareejin doono maxkamadda gobolka Banaadir si ay cadaaladda ugu fuliso.

Taliyaha ayaaa ku dhaliilay maamulka gobolka Banaadir inaanay wali soo dhisin Gudoomiye waaxeedyada, gudoomiye tabeellayaasha iyo waaxyaha kale ee maamulka degmooyinka balse xilka ugu sareeya iyo kan ugu hooseeyaba ay yihiin gudoomiye degmo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ballan qaaday inaanay ka fariisan doonin soo qabashada raggii dilay allah ha u naxariistee Abwaan Warsame Shire Cawaale oo gacan ka xaqdaran ay ku dishay Muqdisho.

COMMENTS