April 17, 2017 | Posted by admin

Warar hadda ina soo gaaray ayaa waxaa ay
sheegayaan in Kooxda Daacish ay la wareegeen
deegaan lagu magacaabo Dasaan oo u dhow
degmada Qandala.
Dagaalamayaasha ayaa dagaala’aan la wareegay
waxaana gudaha u galaya Daacish badan oo
hubeysan sida dadka deegaan ka ay xaqiijiyeen.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay
dhanka Maamulka Puntland.
Gobolka Bari ee Puntland waxaa qaybo kamid ah
ku sugan Dagaalamayaal taabacsan Daacish
waxaana dhawaan laga saaray Degmada Qandala
ee Gobolka Bari.
Maxamed daacad Muqdisho.
galcad44@gmail.com

COMMENTS