February 23, 2013 | Posted by admin

Shir Saxaafadeed ay soo saareen Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayay kaga hadleen dagaal Maanta dhex Maray labo Malayshiyo Beeleed (GARRE – DIGIL IYO MIRIFLE IYO MAREEXAAN OO DHINAC AH IYO OGAADEEN – RAASKAMBOONI OO DHINAC AH) oo Walaalo ah kaasoo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Kooxda Al-shabab ee Jubbooyinka Sheekh Xudeyfa Cabdi Raxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dusha oga tuuray dagaalkii Maanta inay ka danbeeyeen Ciidamadda Kenya.

Wuxuu sheegay dagaalkaasi inuu ahaa mid ay soo abaabushay Kenya, sidoo kale wuxuu ka hadlay Maamulkii loo samaynayay deegaanada Jubbooyinka oo u sheegay inuu Fashilmayo.

Dagaalka ayaa bilowday markii saaka la dilay nin haybtiisa lagu sheegay Mareexaan kasoo ay dileen ciidamo taabacsanaa Raaskaambooni, iyo markii la xirey nin la yiraah LABO GARRE oo ka soo jeeda GARRE-DIGIL IYO MIRIFLE; waxaa kaloo ka horeysay ciidan shalay galay xaafadda Guul-wade oo baaritaan ay ka fuliyeen lagu sheegay inay gaysteen falal isugu jira Dhac, Jir-dil iyo falal-kale. Ciidanka sidaas shalay gaystay waxaa lagu tilmaamay inay huwanaayeen magaca Raaskaambooni.

Wararka goordhow oo caawa ah naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu geeriyooday Taliyihii saldhiga magaaladaas OO ka soo jeedey BEESHA OGAADEEN.

Sargaalkan ayaa ugeeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Dhimashada Sargaalkan waxaa Warqaad.com usheegay mid kamid ah Saraakiisha dowlada ee gobollada Jubbooyinka, waxaana uu ku geeriyooday isbitaalka dhexe ee Kismaayo.

COMMENTS