May 15, 2017 | Posted by admin

waxaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah
arintaasi wax looga qabto.

Dowladdaha Japan iyo sidoo kale Shiinaha ayaa
waxa ay sheegeen in ay xoojiyeen ciidamada ka
joogga xeebaha Soomaaliya, islamarkaana ay
qaadayaan tilaabo walba oo wax looga
qabanaayo kooxaha Burcadbadeeda.

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee la
dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda ayaa waxa
ay sheegeen in bilihii lasoo dhaafay kooxaha
Burcadbadeeda Soomaalida Weerarada ay
geysanayaan ay kordheen.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadaasi ayaa BBC-
da u sheegay in ay xiriir wanaagsan lala leeyihiin
Maraakiibta Ganacsiga ee Maraya biyaha ka
baxsan Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa
Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Maraakiibta
Ganacsiga ay sameysteen ilaalo u gaara oo ka
hortaga Weerarada Kooxaha Burcadbadeeda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hada ay sii
xoogeysanayaan Buracd-badeeda loona baahan
yahay in hada si wadajir ah la isaga kaashado, si
looga guuleysto Burcad-badeeda.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen
Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah
Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee
degmada Calluula ee gobolka Bari.

COMMENTS