July 17, 2017 | Posted by admin

Koxo hubeysan
ayaa Xalay xaafadda Howl-wadaag ee
magaalada Baladweyne ku dilay Askari ka
tirsanaa ciidamada nabad-sugida ee Dowlada Soomaaliya.
Goob jooge ku sugan Beledwayne ayaa  sheegay in
raggii Askariga dilay goobta ka baxsadeen,
iyaga oo horay u sii qaatay qorigii uu sitay.
Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida ayaa
sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka
dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa ciidamada
nabad-sugida Soomaaliya oo caawa lagu dilay
Beledweyne.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa laga sameeyay howlgal ballaaran oo ay sameynayaan
ciidamada amniga.

Lama oga Cida dilka ugaysatay Askariga xalay lagu dilay Magaalada Beledwayne ee Xarnta Gobalka Hiiraan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS