January 24, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muddo 18 sano ka dib ayaa maanta markii ugu horreysey Qaramada Midoobey si rasmi ah uga furatay xafiiskeeda Siyaasadda (UNPOS) magaalada Muqdisho.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa 09kii December yimid Muqdisho isla markaana ku dhawaaqay in Xafiiska UNPOS loo soo rari doono Muqdisho bisha Janaayo.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador Augustine Mahiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey gegida Caalamiga ah ee dayuuradaha ee Aden Adde, halkaas oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wasiiro ay ku soo dhoweeyeen oo calankii UN ka si rasmi ah looga taagay caasimadda Muqdisho. Sidoo kale soo dhoweynta waxaa qeyb ka ahaa Diblomaasiyiinta EU, Italy, Norway, Jaamicadda Carabta, Djibouti, Sudan iyo diblomaasiyiin kale oo dhammaantood ku sugnaa gegida Dayuuradaha ee Aden Adde.

Soo dhoweynta ka dib ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey waxaa loo soo galbiyey Madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. Halkaas oo waraaqihii aqoonsiga looga gudoomay Ergeyga Gaarka ah ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo muddo 18 sano ah sugayey in QM u soo guurto dalka gudihiisa. Dadaalkii Dowladda ee arrimaha amniga ayaa suurtogelisay in caasimadda maanta ay tahay meel ammaan ah oo hay’adaha Caalamigu ay ka howlgali karaan. Joogitaanka QM waxey kaalin weyn ka qaadaneysaa dadaalka Dowladda ee geedi socodka nabadda iyo soo celinta amniga iyo kala danbeynta ee dalka.

COMMENTS