March 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ammar Shalay ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa looga mamnuucay magaaladaas in la keeno qaadka.

Horjoogaha maleeshiyada Al-Shabaab ugu sarreeya magaalada Kismaayo, Xasan Yacquub Cali ayaa ka sheegay idaacad afka maleeshiyada ku hadasha in laga billaabo maanta aan wax qaad ah la keeni karin magaalada, isagoo ku hanjabay in ciddii lagu arko la ciqaabi doono.

Horjooge Xasan Yacquub ayaa tilmaamay in ganacsatada looga baahan yahay in ay ka waantoobaan keenista qaadka, wuxuuna tilmaamay in amarkan uu si rasmi ah u dhaqan-gelayo maalinta berri ah.

Horjooguhu ma uusan sheegin sababta ka dambeysa in qaadka laga mamnuuco Kismaayo, sidoo kale amarkan kuma jirto in la joojiyay cunista qaadka.

Horay ayay Al-Shabaab uga mamnuucday qaadka magaalada Kismaayo, laakiin dib ayay ka fasaxday kaddib markii ay ganacsatada ka qaadatay lacag baad ah.

COMMENTS