December 17, 2012 | Posted by admin

Cidamada dowladda Soomaaliya ayaa caawa bandow ku soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Bandowga oo billowday 7-dii fiidnimo ee caawa ayaa ku eg-yahay 6-da aroornimo sida uu sheegay koronayl Yaasiin Nuur Gaas oo ka mid ah saraakiisha amniga ee magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa timid kaddib markii falal amaan-darro ah ay ka dhaceen magaalada Kismaayo habeennadii tagay, waxaana bandowga looga gol-leeyahay adkaynta ammaanka.

COMMENTS