October 25, 2014 | Posted by admin

141025201442_bbc_somali_pm_president_304x171_bbc_nocredit
Saacado kadib markii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed uu shaaciyay isku-shaandheyn golaha wasiirada qaar ka mid ah, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu tallaabdaasi ku tilmaamay mid wax kama jiraan ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in tilaabadaasi ay ahayd mid aan isaga lagala tashan, islamarkaana aan waafaqsanayn dastuurka. Hadal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed in uu si isdabajoog ah u soo saaro go’aano tashwiish ku abuuraya geedi socodka dawladnimada iyo wada shaqeynta hay’adaha dowliga ah.
Wasiirada Shaqada ha sii wataan
Kol sii horaysay ayaa ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu isku shaandhayntaasi uu xilkii wasaarada Caddaalada iyo Dastuurka ka qaaday faarax Cabdiqaadir oo ay xulufo dhow yihiin madaxweynaha waxaana Faarax Cabdiqaadir loo dhiibay wasaarada xanaanada xoolaha.
Wasiirkii wasaarada Xoolaha Saalim Ibrow ayaa loo dhiibay wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka.

COMMENTS
  1. Thanks for your personal marvelous posting!
    I quite enjoyed reading it, you might be a great author.I will ensure that I bookmark your blog and may come back sometime soon. I want to encourage continue your great
    work, have a nice afternoon!

  2. These are actually impressive ideas in concerning blogging.

    You have touched some pleasant factors here. Any way keep up wrinting.