November 18, 2012 | Posted by admin

Warar aynu ka kala helnay diblumaasiyiin ka kala tirsan dowladaga Kenya iyo Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in labada dowladood uu soo kala dhexgalay khilaaf iyo madmadow ku saabsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamul u sameynta magaalada Kismaayo oo ay dowladda Kenya iyadu is-xijinayso, halka Itoobiyana ay dooneyno in arrinka Kismaayo loo daayo dowladda Soomaaliya haddii kale ay iyadu lug ku yeelato.

Sida warku sheegayo khilaafka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah burburkii ku yimid heshiiskii jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF iyo dowladda Itoobiya ugu socday dalka Kenya sida ay noo xaqiijiyeen ganacsato ku sugan labada Doolow, wuxuuna khilaafka sii xoogeystay ka dib markii ay dowladda Itoobiya ay dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka lacagta Kenya iyo ganacsiga ka yimaada dalka Kenya kuwaas oo ay badan Jaadka loo yaqaano Miirowga, Oomada iyo Caleenta shaaha, waxaana arrinkaasi si weyn uga carooday dowladda Kenya oo iyana dalkeeda ka mamnuucday in lagu isticmaalo lacagta Itoobiya ee birta ah.

Dhinaca kale ciidamo Itoobiyaan ah oo laga keenay xadka ay Baadame kala leedahay Itoobiya dalka Eritrea ayaa soo gaaray 12-kii saac ee ugu dambeysay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan soo gaaray goblka Gedo gaar ahaan degmooyinka Doolow, Luuq iyo Yurkut oo magaalada Baydhabo u jirta 135-km ahna xadka gobolada Bay iyo Gedo kala qeybiya, waxaana la sheegay in dowladda Itoobiya ay ciidamadaasi ugu talogashay inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, isla markaasna ay la socdaand haqdhaqaaqyada ay dowladda Kenya halkaasi ka waddo oo ay ugu horeyso maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Sida warkus heegayo ciidamadan cusub ee ka socda dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay si weyn uga duwanyihiin ciidamii hore ee Itoobiya u joogay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in dowladda Itoobiya ay ugu talogashay inay sugaan ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamadaasi ay u tababaranyihiin la dagaalanka kooxo ay ku sheegeen nabadiidka Soomaaliya.

Dhanka kale ilo diplumaasiyadeed oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in laga dhexwado dowladaha Itoobiya iyo Elitareeya, waanwaan iyo colaad joojin aakhirka horseeda heshiis nabadeed oo labada dal dhexmara haddiiba waanwantu shaqeyso, labadan dowladood oo in mudo ah colaad u dhexeysay ayaa la sheegay in wan waantaasi ay ka dhexwadaan dalal ka tirsan urur goboleedka IGAD iyo Mareykanka inkastoo aan si rami ah loo shaacin waqtiga la bilaabay waanwantan hoose ee la sheegay in laga dhexwado dalalka itoobiya iyo Eritrea taas oo la doonayo in lagu dhameeyo colaadda mudada dheer dhextiilay labadaasi dal.

COMMENTS