March 27, 2015 | Posted by admin

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari ayaa ku geeriyooday weerarkii ka dhacay Huteelka Maka Al-Mukarama sida ay idaacadda VOA u sheegeen dhakhaatiirka Cisbitaalka Medina.

Mulkiilaha hotelkan Gurey Xaaji Xasan ayaa VOA u sheegay in hotelka ay xilligan haystaan dableydii weerarka soo qaadday isaga oo sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac balse aanu xaqiijin Karin.

Dablay la aaminsan yahay inay ka tirsan tahay ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday hotelka Maka Al Mukarama ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Mulkiilaha hotelkan Gurey Xaaji Xasan ayaa VOA u sheegay in hotelka ay xilligan haystaan dableydii weerarka soo qaadday isaga oo sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac balse aanu xaqiijin Karin.

Gurey Xaaji Xasan ayaa isagu sheegay in ciidamada dawladdu ay ku sugan yihiin bannaanka hotelka.

Safiirrada Soomaaliya ee Swizzerland iyo Jarmalka Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari iyo Maxamuud Maxamed Tifow ayaa laga soo badbaadiyey hoteelka, inkastoo Ambasaador Bari Bari uu dhaawac soo gaadhay u dhintay.

COMMENTS